Falastiiniyiinta Rafax oo wajahaya dhibaato horleh

Hay’adda NRC, ayaa ka digtay in gargaarkii Qasa “gabi ahaan la hakiyey” dagaalka ka socda Marinka muddo bilo ah awgeed.

NRC, ayaa sheegtay in in ka badan laba kun oo baabuur gargaar ah oo ay ku raran yihiin dawooyin iyo raashin ay ku xayiran yihiin dhinaca Masar ee marinka Rafax, tan iyo markii gebi ahaanba la xiray bilawgii hawl-gallada ciidamada Israa’iil ee Rafax horaantii bishan.

Agaasimaha hay’adda ee hawlgallada Qasa, Susie Van Megen, ayaa sheegtay in falastiiniyiintu “ay la ildaran yihiin helid la’aan joogto ah” oo ah gargaarka caafimaadka iyo cuntada ee loo baahan yahay.

Israa’iil ayaa sheegtay in ay furtay waddooyin ammaan ah si uu u fududaado isu socodka dadka rayidka ah ee ka barakacay goobihii ay isku dhacyadu ka dhaceen, iyadoo sheegtay in ku dhawaad hal milyan oo falastiiniyiin ah ay ka baxeen Rafax saacado ka hor inta aysan billaaban howlgallada milateri.

Xaaladda dadka rayidka ee Qasa ayaa maalinba maalinta ka dambeysa sii xumaaneysa, iyadoo dadku wajahyaan gaajo iyo harraad badan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker