Waa cusub oo u billowday iskaashiga Mareykanka iyo Kenya

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa la filayaa inuu Kenya ka dhigo ‘is-baheysi weyn’ oo uu Mareykanku leeyaha oo aan ka tirsaneyn NATO, inta lagu guda jiro booqasho saddex maalmood ah oo uu madaxweynaha Kenya William Ruto ku joogo Mareykanka, sida sheegeen ilo xog-ogaal ah.

Kenya ayaa noqonaysa dalkii ugu horeeyay ee ka hooseeya Saxaraha Afrika ee la siiyo magacaabistan, taasoo ka tarjumaysa sida ay Washington ugu riixayso inay sii xoojiso xiriirka ay la leedahay dalka ku yaala Bariga Afrika, oo sidoo kale muddo dheer xiriir dhow la lahaa Ruushka iyo Shiinaha.

Mar uu Ruto ku soo dhoweeyay Aqalka Cad oo ay kulankooda ku weyliyeen ganacsatada, ayuu Biden u sheegay suxufiyiinta inuu doonayo inuu booqdo Afrika bisha Febraayo, kadib doorashada madaxtinimada Mareykanka.

Labada hoggaamiye ayaa mar kale ku kulmi doona xafiiska Oval-ka Khamiista, kadib shir jaraa’id oo wadajir ah iyo casho-sharaf rasmi ah.

Saraakiisha sare ee maamulka ayaa sheegay in Biden iyo Ruto ay ka wadahadli doonaan arrimo badan oo ku saabsan ganacsiga ilaa deyn cafinta, qaabka loo marayo Haiti, Ukraine, Sudan iyo meelo kale inta uu socdo kulankooda.

 

Biden ayaa sheegay Arbacadii in isaga iyo Ruto ay bilaabi doonaan waa cusub oo iskaashi dhanka tignoolajiyada ah oo u dhexeeya labada dal kaas oo ay ka mid yihiin ka shaqaynta dhinaca amniga internetka, sirdoonka macmalka ah iyo semiconductors. Ma uusan sheegin magaca amniga.

Maraykanku waxa uu sidoo kale ku dhawaaqi doonaa $250 milyan oo maalgashi cusub ah iyada oo loo sii marinayo hay’adda maalgelinta Maraykanka ee US International Development Finance Corporation (DFC), iyada oo la ballaarin doono kaydka hay’adda maalgelinta Maraykanka ee Kenya oo la gaarsiinayo in ka badan $1 bilyan, sida ay sheegtay shirkadda horumarinta caalamiga ah ee Maraykanka.

 

Reuters.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker