Taliyihii hore ee Ciidamada Ruushka oo musuqmaasuq loo xidhay

Taliyihii hore ee ciidamada Ruushka oo walaac ka muujiyay khasaaraha badan ee militariga dalkiisa ka soo gaaray dagaalka ay kula jiraan ciidamada Ukraine ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu eedeeyay wax isdaba marin ballaaran.

Maj Jeneraal Ivan Popov, oo 49 jir ah, ayaa xabsiga lagu hayn doonaa muddo labo bilood ah, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Ruushka.

Qareenkiisa oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Tass ayaa sheegtay in Jeneraalku uu beeniyay dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay.

Jeneraal Popov ayaa xilka taliyaha ciidanka 58-aad laga ceyriyay sanadkii hore ka dib markii uu si cad u sheegay dhimashada iyo dhaawaca askarta Ruushka iyo hub la’aan soo wajahday xilligaas.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaan ka hadlin arrintan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker