Diyaarad Rakaab Siday Oo Si Khaldan Uga Dagtay Magaalo Aanay Ku Socon

Diyaaradda British Airways oo ku wajahneyd magaalada Dusseldorf ee dalka Jarmalka ayaa si khaldan ugu dagtay magaalada Edinburgh ee caasimadda u ah Scotland.

Arrintan ayaa la sheegay inay dhacday ka dib markii si aan loogu talogalin loo gudbiyay warqadihii ku saabsanaa macluumaadka duullimaadka.

Rakaabkii diyaaradda saarnaa ayaa khaladka dhacay ku baraarugay markii ay diyaaradda cago dhigatay garoonka oo ay maqleen “Kusoo dhawoow magaalada Edinburgh”.

 

Duullimaadka ayaa markii dambe loo gudbiyay magaalada Dusseldorf oo ahayd halkii uu ku socday, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta shirkadda British Airways.

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker