Rag Baaskiil kaga soo baxay Faransiiska oo ku wajahan Sacuudiga, si ay usoo Xajiyaan

Labo Nin oo saaxiibo ah oo ku nool dalka Faransiiska ayaa waxay go’aansadeen Socdaal ay ku tegi doonaan dalka Sacuudiga,  si ay uga mid noqdaan Xujeeyda sanadkan xajinayso.

Ishaq Manawar oo u dhashay dalka Algeria iyo Yu Zhanguo oo u dhashay Shiinaha,  oo markii uu soo Islaamay la baxay magaca Yuusuf ayaa waxay kala wataan 2 Baaskiil (Bushkuleeti) waxay safarkooda kaga soo baxeen Faransiiska bishii March 1-dii ee sanadkan, waxayna isbuucan horaantiisa soo gaareen Caasimadda Dowlad-gobaleedka Kurdistan ee Erbil ee Waqooyiga dalka Iraq.

Ishaq Mnawar oo 40 Jir ah iyo Yuusuf oo 35 jir ah waxay horey ugu soo hakadeen dalalka  Switzerland, Austria, Slovakia, Hungary, Romania, Bulgaria iyo  Türkiye.

Yuusuf waxa uu Diinta Islaamka ku soo biiray sanadkii 2016-kii, kadib, markii uu saaxiibkiisa Ishaq Mnawar ku dhiiri-geliyey inuu soo Islaamo.

Haatan waxay labadooda ku wajahan yihiin magaalladda Barakaysan ee Maka Al-Mukarama ee dalka Sacuudiga,  si ay uga mid noqdaan Malaayiinta Xujeyda ee sanadkan  gudan doona Waajibaadka Xajka oo la oogi doono bisha Dul-Xaj 8-da ee sanadka1445 ee Taariikhda Islaamka ee Hijriyah, oo ku beegan 14-ka June 2024 ee Taariikhda Miilaadiyada.

Si kastaba,  in ka badan 2.5 milyan oo Xujeey ah ayaa la rajeynayaa inay soo gutaan Waajibaadka Xajka ee sanadkan 1445 Hijriyah, iyadoo Tirada Guud ee dadkii soo xajisay sanadkii hore ay gaarayeen qiyaastii 1.8 milyan oo Xujeey ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker