Akhriso: Maamulka Puntland oo Beesha Caalamka U dirtay Dacwad ka Dhan ah Dawlada Somaliland
Garoowe (OWN) – Dowlad Goboleedka Puntland ayaa faahfaahin ka bixisay Dagaalkii saakay ka dhacay deegaanka Hadaaftimo ee Gobolka Sanaag, kaasi oo u dhexeeyay Ciidamo ka kala tirsan Maamulka Puntland iyo Ciidamada Qaranka Somaliland.
War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa lagu sheegay in Ciidamo ka tirsan Somaliland ay weerar kusoo qaadeen deegaanka Loo yaqaano kadhada, hayeeshee ay weerar iska difaaceen Ciidanka Puntland ee halkaas ku sugnaa.
Sidoo kale Puntland waxaa ay sheegtay inay ku filan Tahay difaacida dhulkeeda, waxaanay Ugu Baaqday Shacabka inay ka qeyb qaataan difaaca dhulkooda.
Puntland ayaa sheegtay in dagaalkii ka dhacay deegaanka Hadaaftimo, ay Somaliland kaga qabsadeen gaadiid dagaal, hub iyo 50 qof oo Maxaabiis ah.
Maamulka Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka u sheegtay in aysan Puntland Mas’uul ka noqon doonin wixii ka dhasha duulaan ay sheegeen in lagu soo qaaday dhulkooda.
Dhanka kale War qoraal ah oo ka soo baxay Milatariga Qaranka Somaliland ayaa lagu sheegay in saaka Abaaro 6:30 Subaximo ay Puntland dagaal ka bilowday deegaanka Loo yaqaano Kadhada oo 18 KM u jira magaalada Yube oo hoostagta gobolkaasi.
Somaliland waxay sidoo kale warkan ku sheegtay in dagaalkaasi ay guullo ka soo Hoyeen ciidankeeda, islamarkaana ay ku Qabsadeen hub iyo gaadiid dagaal intaba.
“Saaka abaaro 6:30 subaximo , waxay ciidamada puntland isku day dagaal ka bilaabeen degaanka kadhada oo 18 km u jira yube , halkaana waxaa isku haleelay ilaalada hore ciidanka qaranka iyo dagaal oogayaasha ciidanka Puntland, halkaas oo ciidanka qaranku dhirbaaxo lama ilawaana ku dhuftay kana soo hooyeen guulo iyagoo ka qabsaday hub iyo gadiid intaba ayaa lagu yiri” ayaa lagu yiri qoraalka Taliska ciidamada Soomaaliland.
Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Puntland