Dagaal beeleed ay dad badani ku dhinteen oo ka dhacay Shabeelada dhexe

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelad Dhexe ayaa sheegaya in shalay halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhacxeeyo maleeshiyo beeleed, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan. Ugu yaraan 20 qof ayaa lasoo sheegaya in ay ku dhinteen dagaalladaas .

Dagaalka ayaa ka dhacay halka ay ku kala baxaan degmooyinka Cadala iyo Ceel-baraf , gaar ahaan dhulka miyiga ah ee u dhaxeeyo Biya Cadde iyo Burta Sheekh sida uu BBCda u sheegay Wasiirka Dib u heshiisiinta Hirshabeelle Cabdullaahi Maxamed Cumar (CabdullaahiCadde)

Wasiirka ayaa sheegay in maantay ay xaaladdu degantahay ayna socdaan dhaq-dhaqaaqyo badan oo colaadda lagu daminayo taas oo ay wadaan masuuliyiin ka tirsan Hirshabelle.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay hurinta dagaalkan gacmo shisheeye oo uu ku tilmaamay in yihiin Alshabaab kuwaas oo uu sheegay in ay hurinayaan colaadda.

Wasiirka ayaa ku baaqay in colaadda la joojiyo,” dadkaas oo ah dad walaalnimo iyo derisnimo ay ka dhaxeyso waxa aan ugu baaqayaa in caqligu shaqeeyo” ayuu yiri Wasiir Cabdulaahi Cadde

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker