Xildhibaan keenay arrgti farxad galisay dadka ka shaqeeya guryaha ee dalka Nigeria

Dowladda Nigeria ayaa qaadday tallaabo lagu ilaalinayo xuquuqda shaqaalaha guryaha ka shaqeya iyo sidoo dadka loo shaqeeyo.

Aqalka odayaasha ee dalkaasi ayaa sheegaya in loo baahan yahay in la abuuro hay’ad aruurin doonta xogta shaqaalaha iyo dadka loo shaqeeya ee iska leh guryaha.

Shaqaalaha gurayah ee dalka Nigeria ayaa la sheegaa in ay had iyo jeer la kulmaan tacadiyo kaga yimaada dadka ay u shaqeeyaan taas oo hadda keentay in la raadiyo waddo xal loogu heli karo.

Arrintaan ayaa waxaa soo gudbiyay xildhibaan ka tirsan golaha sanadka oo lagu magacaabo Babangida Xuseen waxaana ku tagaeeray inta badan xildhibaannadii kale.

In badan oo ka mid ah dadka ka shaqeeyaha xaafadaha gudaha dalka Nigeria oo u badan dad danyar ah ayaa u riyaaqay aragtida xildhibaan Babangida ee lagu sameeynayo hab lagu ilalaiyo xuquuqdooda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker