Isbitaalkii ugu weynaa ee bariga Rafah oo la xiray

Wararka ka imaanaya deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza ayaa sheegaya in la xiray mid ka mid ah isbitaaladii fara ku tiriska ahaa ee ka shaqeynayay deegaankaasi.

Maamulka Isbitaalka Abu Yousef Al Najjar ayaa albaabada isugu laabay xarunta isbitaalkaasi, ka gadaal markii Ciidamada Israel ay Talaadadii la wareegeen bariga Rafah.

Isbitaalkan ayaa ahaa kii ugu weynaa ee ku yiilay bariga Rafah, waana mid ka mid ah dhowr isbitaal oo hadda ka shaqeynayay guud ahaanba Rafah.

Dhakhaatiirka iyo bukaanada ayaa Talaadadii laga daadgureeyay isbitaalkaasi, iyadoo Arbacadiina la sheegay in si toos ah albaabada la isugu laabay.

Dhakhaatiirtii caafimaadka ee isbitaalkaasi ayaa haatan si ku meel gaar ah ugu shaqeynaya goob cooshado ka sameysan oo ku taala bartamaha deegaankaasi, si ay daryeel caafimaad ugu fidiyaan dadka ay waxyeeladu ka soo gaareyso duqaymaha xoogan ee ay Ciidamada Israel halkaasi ka wadaan iyo bukaanada qoysaska barakacayaasha ee ku nool qaybaha kale ee Rafah.

Maamulka Isbitaalka Abu Yousef Al Najjar ayaa walaac ka muujiyay hawlgalka ay Ciidamada Israel ka bilaabeen deegaankaasi, oo billihii la soo dhaafay ay buuxdhaafiyeen dadkii laga soo barakaciyay guryahooda ee ku noollaa qaybaha kale ee Marinka Gaza.

Mohammed Abu Mughaiseeb, Iskuduwaha Caafimaadka ee Hay’adda Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn (MSF) ee Rafah ayaa sheegay in maamulka isbitaalkaasi iyo shaqaalahaba ay baqdin ka muujiyeen dhacdooyinkii argagaxa lahaa ee ay Ciidamada Israel dhawaan ka gaysteen Isbitaalada Al-Shida iyo Nasser, sidaasi daraadeedna ay uga guureen xaruntoodii bariga Rafah.

Ciidamada Israel oo ku andacoonayay in ay ka baadigoobayaan xubno ka tirsan Xoogaga Xamaas ayaa isbitaaladaasi ku laayay dad fara-badan oo rayid ah, iyagoo sidoo kalena burburiyay goobahaasi caafimaad.

Mohammed Abu Mughaiseeb ayaa hadda sheegaya in xaalad aad u cakiran ay ka jirto Rafah, mana jirto buu yiri meel nabdoon oo Gaza ah oo hartay.

Abu Mughaiseeb ayaa xusay in Ciidamada Israel ay kordhiyeen duqaymaha ay ka wadaan bariga Rafah iyo qaybo kale oo ka mid ah deegaankaasi.

Nolosha Rafah ayaa la sheegay inay istaagtay, tan iyo markii taangiyada iyo Ciidamada Israel ay soo galeen xadka u dhow Masar ee laga soo galo Marinka Gaza.

Marwan Al-Masri oo ka mid ah dadka barakacayaasha ee ku soo qaxay Rafah ayaa sheegay in tani ay tahay farriin ay Israel ku quus gelineyso 1.5 milyan oo barakacayaal ah, oo badbaado u soo doontay deegaankaasi.

Dadkan ayaa ah kuwii ay horey Ciidamada Israel uga soo riixeen koonfurta iyo dhulka xeebta ah ee waqooyiga Marinka Gaza, iyaga oo markaasi u sheegay inay isugu taggaan deegaanka ku yaala xadka koonfureed ee uu Marinka Gaza la wadaago dalkaasi Masar.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker