Dowladda Soomaaliya oo sii daysay dhalinyaro loo haystay dilkii Cabdinasir Dahable

Hay’adda danbi baadhista ee CID-da Soomaaliya ayaa dambi ku weyday oo siidaysay 10 Qof oo loo haystay dilkii Marxiim C/naasir Muuse (Dahable), oo ahaa mas’uul katirsanaa hay’adda Duulista Hawada ee Soomaaliya.

Baadhitaan ay iska kaashadeen Khubarada dambi baadhista Soomaaliya, kuwaas oo gacan ka helayay sheybaarka dambi baadhista ee booliska Turkiga, ayaa daaha ka qaaday in aysan jirin wax xidhiidh ah oo ka dhaxeeya eedeysanayaasha lasii daayay iyo dembiga dilka ah ee loo haystay.

Qoysaska ay ka soo jeedaan dadka la xidhay oo ay wehliyaan qareenadooda, ayaa si weyn ugu baaqayay in si deg deg ah xal looga gaadho xadhiga dadkan, iyagoo ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo eedeysanayaasha iyadoo la eegayo caddeymaha cusub ee kasoo baxay shaybaadhka.

Natiijada baadhista ayaa timi todobaad ka dib markii ay Somaliland ku eedaysay dawladda Faderaalka in ay jir dil u geysatay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo booqday maxaabiista, oo dalbanayay in si degdeg ah loo sii daayo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker