Biyo xireenka Kenya oo Jabsaday: In ka badan 40 qof oo ku dhimatay tuulada Kamuchiri

In ka badan 40 qof ayaa ku dhimatay dalka Kenya kadib markii uu karkaarada jabsaday biyo xireen, kadib roobab mahiigaan ah oo daadad wata, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi.

Guryaha ayaa biyihu qaadeen, waxaana go’ay waddooyinka kadib markii biyo xireenka uu ku fatahay tuulada Kamuchiri ee galbeedka Kenya.

“Afartan iyo laba qof ayaa ku dhimatay, sdia la qiyaasay. Weli waxaa jira qaar badan oo dhoobada ku jira,” sida uu guddoomiyaha gobolka Nakuru Susan Kihika ay u sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

n ka badan 100 qof ayaa ku dhintay fatahaado saameyay qeybo ka mid ah dalka Kenya bishii la soo dhaafay.

Kooxaha samatabbixinta ayaa dhoobada ka baaraya iyagoo baadi goobaya dad nool tuulada u dhow magaalada yar ee Mai Mahiu, oo qiyaastii 60km (37 miles) u jirta caasimada Nairobi, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Dhanka kale Ku dhawaad 21 qof oo rakaab ah ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen kadib markii doonidii ay la socdeen ay ku degtay maantay deegaanka Kona Punda oo ka tirsan degmada Madogo ee ismaamulka Tana River.

Doonida oo ay saarnaayeen in ka badan 40-qof oo rakaab ah ayaa ku sii jeedday magaalada Garissa iyadoo ka baxday degmada Madogo, halkaasoo ay ka soo qaadday rakaabkii saarnaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker