Pentagon-ka Maraykanka oo la “dhakhsanaya” nidaamka difaaca cirka ee Patriot

Pentagon-ka Maraykanka ayaa sheegay in ay “la dhakhsan doonaan” gantaalada difaaca hawada ee Patriot iyo rasaasta madaafiicda ee ay geyn doonaan Ukraine taas oo qayb ka ah xirmada gargaarka milatari ee cusub.

Mareykanka ayaa u isticmaali doona lacag dhan $6 bilyan oo doolar isla ujeedadan, Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ayaa shaaca ka qaaday Jimcihii.

Si kastaba ha ahaatee, nidaamyada Patriot ee ee gantaalada rida ayaan la diri doonin.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in Patriot “si degdeg ah” loogu baahan yahay si ay u wajahaan khatarta hawada ee sii kordheysa ee Ruushka “waxana ay awoodaan oo ay badbaadin karaan nolosha hadda”.

Ilo xog ogaal ah ayaa BBC-da u xaqiijiyay in lacagtan lixda bilyan ah ay qeyb ka tahay $60 bilyan oo gargaar ah oo uu saxiixay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden Arbacadii, taasoo ay ku jirto $1bn oo gargaar degdeg ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker