Kuuriyada Waqooyi oo Laga Cabsi Qabo inay Duulaan ku Qaado Dariskeeda Koonfurta Kuuriya

Milateriga Kuuriyada Waqooyi ayaa  ka digay inuu diyaar u yahay inuu u Ruqaansado Aagga milateriga ka caaggan ee kala qaybiya labada Kuuriya.

 

 

Hanjabaaddan ayaa qeyb ka ah  jawaab Loo dirayo kooxo Kuuriyada Waqooyi ka goostay oo Koonfurta ka soo diraya hadallo borobogaanda ah.

 

Dabayaaqada todobaadkii tegay ayaa Kim Yo-jong, oo ay walaalo yihiin hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, waxa ay amartay milateriga inuu u diyaargaroobo u ruqaansiga xadka.

 

 

Milateriga ayaa haatan sheegaya inuu diyaar u yahay “inuu goobtaas furunta ah uu ka sameeyo saldhig culus oo milateri oo feejignaantiisu ay sarrayso”.

 

 

Xiisadaha u dhaxeeya labada dal ee ka taagan xadka kala qeybiya ayaa sare u sii kacayay in mudda ahba, halkaas oo badanaa la isku dhaafsado buufinno ay farriimo ku xardhan yihiin.

 

 

Wasaaradda gaashaandhigga ee Kuuriyada Koonfureed ayaa Taladaadii iyadoo ka jawaabaysa hanjabaddaas cusub waxa ay sheegtay inay si dhaw Mareykanka kala shaqeynayso la socoshada dhaqdhaqaaqyada milateri ee Waqooyiga.

 

 

Muxuu Waqooyigu leeyahay?

 

Kuuriyada Waqooyi iyo tan Koonfureed waxaa kala qeybiya Aagga milateriga ka caaggan – halkaas oo ku teedsan kalaqeybiya labada dal soona jiray tan iyo dagaalkii Kuuriya ee 1950-meeyadii.

 

 

Milateriga Kuuriyada Waqooyi ayaa Talaadadii sheegay inuu “darsayo qorshaha” uu milateriga ku gaynayo “aagga milateriga ka caaggan”.

 

 

Madaxa shaqaalaha dowladda ayaa sheegtay in ciidammadu ay “heegan sare” ku jiraan oo ay diyaar u yihiin inay “si degdeg ah oo adag” ay u fuliyaan go’aannada dowladda.

 

 

Bayaanka ayaa imanaya kaddib markii gabadha la dhalatay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ay Sabtidii ku hanjabtay inay Koonfurta ka qaadi doonaan tallaabo milateri.

 

 

“Waxa ay ila tahay waxaa la joogaa waqtigii aynu kala go’I lahayn mas’uuliyiinta Kuuriyada Koonfureed,” ayey tidhi Kim Yo-jong, taas oo xil sare ka haysa nidaamka siyaasadeed ee Waqooyiga.

 

 

Waxa ay ballanqaadday inay “tallaaba” qaadi doonto, waxa ay sheegtay inay amartay milateriga, bayaankeedana waxa ay ku soo gunaanadday: “Qashinka meesha loogu talagalay ayaa lagu ridaa.”

 

 

Muxuu yahay khilaafka ka dhashay warqadaha dhulka lagu daadiyay?

Todobaadkii la soo dhaafay, Pyongyang ayaa waxa ay jartay dhammaan xiriirkii isgaarsiineed ee ay la laheyd Koonfurta, oo uu ku jiray khadka tooska ah ee ay ku wada xiriiri jireen hogaamiyayaasha labadaasi dal.

 

 

 

Waxa ay sheegtay inay ka carootay in dad ka baxsaday Kuuriyada Waqooyi oo deggan Koonfurta ay warqado ka soo dirayeen xadka.

 

 

Kooxaha ay hogaamiyaan dad ka goostay Kuuriyada Waqooyi ayaa badanaa waxa ay buufinno u diraan dhinaca kale ee xadka, buufinnadaas oo ay ku dhex jiraan warqado iyo waxyaabo kale, oo ay ka mid yihiin, cunno, lacag $1, raadiye iyo qalabka USB-ga oo ay ku duuban yihiin warar iyo ruwaayado Kuuriyada Koonfureed lagu sameeyay.

 

 

Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa hore isugu dayday inay joojiso kooxahaasi, iyadoo ku doodday in falalkaas ay ku kacayaan ay halisgalinayaan nolosha dadka ku nool goobaha u dhaw xadka.

 

 

Madaxweyne Moon Jae-in ayaa Isniintii si toos ah uga codsaday Waqooyiga inuu dib ugu soo laabto wadahadalka oo uusan xaaladda uga darin.

 

 

Maxay aheyd goobtan milateriga ka caaggan?

 

 

Aagga milateriga ka caaggan ayaa waxaa la sameeyay kaddib dagaalkii Kuuriya 1953 si loo abuuro aag u dhaxeeya labada dal oo deggan.

 

 

Tobannaankii sanadood ee la soo dhaafay aaggaasi waxaa ka dhacay israsaasayn, ciidammada Kuuriyada Waqooyi oo dhinaca Koonfur usoo baxsada, iyo wadahadallo nabadeed oo xiisadaha lagu qaboojinayo. Koonfurtana waxa ay halkaas u tahay goob ay dalxiisayasahu tagaan.

 

 

Xadka kala qeybiya labada Kuuriya waa mid ka mid ah xuduudaha ay sida weyn u joogaan milateri aad u hubaysan

Intii ay socdeen wadahadalladii u dhaxeeyay Kuuriyada Waqooyi iyo Mareykanka, aagga ka caaggan milateriga ayaa sidoo kale waxa ay aheyd goobta ay isku salaameen Kim Jong-un iyo Donald Trump iyo Moon Jae-in.

 

Labadii sanadood ee la soo dhaafay dowladda Kuuriyada Koonfureed ee saldhigeedu yahay Seoul ayaa waxa ay iskudayday in goobtaasi ay ciidammada badan joogaan ay u badesho aag nabdoon.

 

In la khafiifiyo xiisadaha milateriga ee xadka ayaa waxaa isku raacay labada hogaamiye ee labadaasi dal mar ay bishii Sibteembar ee 2018 ku kulmeen magaalada Pyongyang.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker