Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia oo sheegay inay Ansixiyeen ku Raastii ay Saamiga u lahayd Somaliland

Muqdisho (OWN) – Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Cod Aqlabiyad leh ku meel mariyey Xeerka kuraasta Matali doonta Somaliland  siday Sheegeen , kadib kulan ay ku yeesheen Xarunya Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

 

 

Sida uu shaaciyey guddoonka golaha shacabka, waxaana Xeerkan Ogolaatay illaa 167 mudane, hal xildhibaan ayaa ka aamusay, mana jirin wax diiday.

 

 

Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulanka ka hadlay ayaa shaaciyey inuu ansax yahay xeerkaasi, isagoona uga mahadceliyey meel marimtiisa xildhibaanada golahaas.

 

 

Xeerkan ay ku  sheegeen  kuraasta gobollada waqooy ayaa ka mid ahaa Afarta Xeer ee ay soo diyaariyeen guddiga wadajirka ah, labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

 

 

Xildhibaanada ayaa shalay Dood adag ka yeeshay xeerkan oo lagu soo dooranayo kuraasta xildhibaanada ka soo jeeda  Somaliland.

 

 

Baarlamaanka Soomaaliya oo ku guda jira Kalfadhigiisa 7-aad oo ah kii ugu dambeeyey ayaa ku howlan howlaha doorashada oo aan weli lagu heshiin nooca Loo qabanayo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker