Mareykanka oo ciidamadiisa kala baxaya dal ku yaalla Galbeedka Afrika

Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa sheegay in Maraykanku uu wada-hadal la furay xukuumadda milateriga ah ee ka talisa dalka Niger, isaga oo kala hadlaya go’aankooda ku aaddan bixitaanka ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalkaas.

Bishii hore ayaa saraakiisha milateriga ee dalka Niger waxay ku dhawaaqeen inay soo afjarayaan heshiiskii u dhexeeyey Mareykanka iyo Niger.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in saraakiisha difaaca ee Mareykanka ay toddobaadkii hore aqbaleen go’aanka Niger ee ah in ciidamada Mareykanka ay baxaan.

Isniintii afhayeen u hadlay Pentagon-ka Maraykanka, ayaa xaqiijiyey inay socdaan wadahadalo u dhexeeya Mareykanka iyo Niger, kaas oo ku aaddan, hannaankii ay ciidamada Maraykanku uga soo bixi lahaayeen dalkaas,

General Pat Ryder oo u hadlay wasaaradda difaaca ee Mareykanka ayaa intaas ku daray, inay u dirayaan Niger wefti aad u kooban oo ay ku jiraan xubno ka tirsan taliska Maraykanka ee Afrika, si ay wada-hadal ula yeeshaan saraakiisha milateri ee dalkaas xukuma.

Wuxuu sheegay in aanu ka hordhici doonin xilliga ay ciidamada Mareykanka ka soo bixi doonaan iyo weliba in wax isbedeli haatan ku yimi tirada ciidamada ee ku sugan Niger.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker