Wararkii ugu dambeeyay ee werarkii Iran lagu qaaday

Sawirada dayax-gacmeedka ee la sii daayay 24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa daaha ka rogay cadeymo muujinaya suurtagalnimada burburka saldhiga ciidamada cirka Iran kadib weerar ay Israa’iil ku qaadday subaxnimadii hore ee Jimcihii.

BBC Verify ayaa falanqeysay labo sawir oo muujinaya qeyb ka mid ah nidaamka difaaca hawada ee garoonka diyaaradaha ee Isfahan oo la burburiyay.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in Israa’iil ay fulisay weerarka gantaalka inkastoo Israa’iil aysan si rasmi ah u xaqiijin. Xiisada u dhaxeysa dhinacyada iska soo horjeeda ayaa sii xoogeysatay toddobaadyadii la soo dhaafay.

Weerar hore oo looga shakisan yahay in Israa’iil ay ku qaadday qunsuliyadda Iran ee Suuriya billowgii bishan ayaa waxaa xigay weerar aargoosi ah oo ay Iiraan ku qaadday Israa’iil 13-kii Abriil.

BBC

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker