Jabuuti iyo Itoobiya oo ku heshiiyay isdhaafsiga xogta socdaalka iyo ilaalinta xuduudaha

Dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey inay kordhiyaan iskaashigooda ku aaddan isdhaafsiga macluumaadka socdaalka iyo ilaalinta xuduudaha labada dhinaac.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Itoobiya Salamawit Dawit ayaa kulan la qaadatay wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jabuuti, saciid Nuux Hassan, waxayna kawada hadleen arrimo ay ka mid yihiin horu-marinta iskaashiga la xiriira xakameynta xuduudaha ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Labada hay’adood ayaa is waydaarsaday fikrado ku saabsan muwaadiniinta aan sharciga haysan ee ku sugan Jabuuti, isdhaafsiga xogta socdaalka, ilaalinta xuduudaha, adeegyada dhalashada iyo muwaadiniinta sharci doonka ah ee Jabuuti, waxayna ku heshiiyeen in la sii xoojiyo wada shaqaynta lagu ogaanayo daldaloolada la xiriira arrintan.

Dawladda Ethiopia ayaa Saraakiil Sare oo waaxda Socdaalka ah u soo dirtay Djibouti si ay wax uga qabtaan dhibaato ka taagan muwaadiniin tiro badan oo Ethiopian ah kuwaasi si sharci darro ah ku jooga dalka Djibouti.

Dalka jabuuti ayaa qayb ka ah waddamada ay muwaadiniin badan oo Itoobiyaan ay sharci darro ku joogaan.

Dhawaan ayay ahayd marki doon sidday 66 qof oo tahriibayaal ah Itoobiyaan ah kula qallibantay xeebaha dalka jabuuti.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker