Dad Tirobadan oo ku geeriyooday Doon ay saarnaayeen oo la qalibantay

Ugu yaraan 15 qof ayaa la soo weriyey inay ku geeriyoodeen Dooni shalay oo Jimco ahayd ku degtay Webiga Mpoko River oo dhex mara Caasimadda dalka Afrikada Dhexe (The Central African Republic) ee Bangui.

Goobjoogayaal la hadlay Wakaallada Wararka Shiinaha ee XINHUA ayaa sheegay inay degtay Dooni ay la socdeen in ka badan 300 oo qof, kuwaasi oo ku sii jeeday Aas loo samaynayey Hoggaamiye Beeleed.

Dadka ku dhintay Shilkaasi waxaa ka mid ahaa Carruur iyo Haween.

Ciiddanka Badda ee dalkaasi ayaa ku hawlan Baadi-goobka  dhowr dhibane oo la la’ yahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker