Kenya oo baadhaysa sababbihii keenay shilka diyaaraddeed ee uu ku dhintay Janaraal Francis Ogolla

Dawladda Kenya ayaa koox baarayaal ah u dirtay burburka diyaaradda ay ku dhinteen taliyihii ciidamada qalabka sida Janaraal Francis Ogolla iyo sagaal qof oo kale.

Illaa hadda ma cadda sababbaha keenay burburka diyaaradda oo ah nooca qumaatiga u kaca ee helikobtarka.

Janaraal Ogolla ayaa kamid ahaa 12 qof oo saarnaa diyaaradda oo galin kii dambe ee khamiista dhacday wax yar uun kaddib, markii ay ka kacday garoon ku yaala waqooyiga galbeed ee dalka.

Janaraalka ayaa lagu aasi doonaa maalinta Axadda ah hoygiisa oo ku yaala galbeedka ismaamulka Siaya, sida ay qoyskiisu sheegeen.

Isagoo ku dhawaaqayay sedex maalmood oo baroordiiq qaran ah, ayaa Madaxweyne William Ruto waxa ku tilmaamay geerida Janaraalka mid murugo ku riday wadanka.

Janaraal Ogolla ayaa taliyaha ciidamada qalabka sida ee dalka Kenya loo magacaabay bishii Abriil, ee sanad kii hore .

“Wadankeena hooyo waxa uu waayay mid kamid ah janaraalladii ugu geesisanaa,” ayuu Ruto u sheegay dadweynaha.

Janaraal Ogolla ayaa ciidanka difaaca Kenya ku biiray bishii Abriil, 1984 kii, sida laga soo xigtay bogga wasaaradda difaaca Kenya.

Todobaadka soo socda ayuu u dabaaldegi lahaa afartan guuradda, maalin kii uu ciidanka ku biiray. Waxa uu shaqada ka bilaabay ciidanka cirka, isagoo loo tababarray duuliye sida wasaaraddu sheegtay. Waxa kale oo Jananka loo tababaray la dagaalanka argagixisada, sirdoonka iyo baarista.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker