Senatka oo ku hagoogtay Mayorkas

Golaha Senatka Mareykanka ayaa Arbacadi shalay meesha ka saaray dhammaan eedihi uu Aqalka Wakiillada xilka uga xayuubiyay Wasiirka Amniga Gudaha Alejandro Mayorkas.

Xubnaha Jamhuuriga ee Aqalka Wakiillada ayaa Mayorkas ku eedeeyay inuusan ku dhaqmin xeerarka xuduudaha Mareykanka iyo inuu been u sheegay koongareeska.

Aqalka Senatka oo ay aqlabiyad hal dheeri ah ku maamulaan dimoqraadiga ayaa tuuray labada qodob ee ay kusoo eedeeyeen Aqalka Wakiillada. Waxana ay xeerkoodu ku baas mariyeen codad dhan 51-48 iyo 51-49.

Jamhuuriyiinta ayaa ku doodaya in madaxweyne Biden uu aad ugu dabacsanyahay muhaajiriinta sida sharci-darrada ah uga soo tallaabaya xadka, kadib marki ay laba milyan oo ruux ay kor u dhaafeen dadka kasoo galaya xadka koofureed ee Mareykanka labadi sano ee lasoo dhaafay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker