Madaxweyne Muuse Biixi Oo Maanta Kusoo Laabtay Magaalada Hargeysa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maalmihii u danbeeyey safar shaqo oo la xidhiidha dardargelinta doorashooyinka Wakiillada iyo deegaanka ugu maqnaa gobollada Saaxil iyo Togdheer, ayaa maanta oo Jimce ah dib ugu soo laabtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Madaxweynaha oo saaka kasoo jarmaaday magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo uu shalay kaga qaybgalay isu soo bax ballaadhan oo ay sameeyeen taageerayaasha xisbiga KULMIYE, ayaa goor dhaweyd soo gaadhay caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker