Ra’isal Wasaarihii Ivory Coast Amadou Gon Coulibaly Oo Geeryooday Isaga Oo Shir Ku Jira

Ra’isal wasaarihii dalka Ivory Coast Amadou Gon Coulibaly ayaa geeriyooday kaddib markii uu xanuun ku soo booday isaga oo kulan la lahaa wasiirada xukuumadiisa.

 

 

Da’diisu waxay ahayd 61 waxaana dhawaan loo doortay in uu noqdo musharaxa xisbiga talada dalkaasi haya doorashada bisha soo socta ee Oktoobar’ kadib markii Alassane Ouattara oo ah madaxweynaha dalkaas uu sheegay in aanu mar sedexaad uu u tartami doonin xilka madaxtinimada.

 

 

 

Mr Gon Coulibaly ayaa dhawaan ka soo laabtay dalka Faransiiska halkaas oo muddo laba bilood ah looga daweynayay xanuun dhinaca wadnaha.

 

 

Madaxweynaha dalka Ivory Coast Ouattara ayaa sheegay in dalku uu ka murugeysanyahay Raiisul wasaaraha geeriyoday.

 

 

Waxa uu sheegay in Mr Gon Coulibaly uu Xanuunsanayey intii lagu jiray shirkii golaha wasiirada ee todobaadlaha ahaa iyadoo loo qaaday isbitaalka halkaas oo uu markii dambe uu ku dhintay.

 

 

 

Dhimashadiisu waxaa ay abuuraysaa kalsooni daro weyn oo dhanka doorashada ah .

Mr Gon Coulibaly ayaa wadanaha qaliin lagaga sameyay sanadkii 2012-kii isagoo labadii bishii May ee sanadkaan ugu safray magaalada Paris ee dalka Faransiiska xaalado caafimaad dartood.

 

 

 

 

Waxaa uu dalka dib ugu soo laabtay khamiistii la soo dhaafay waxaana uu yidhi “waan soo laabtay si aan ugu garab istaago madaxweynaha horumarka iyo dhismaha dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker