Tababbarayaal militeri oo Ruush ah ayaa yimid Niger si ay ciidamada u tababbaraan

Macalimiin militeri oo Ruush ah ayaa yimid Niger si ay u tababbaraan askarta dalkaas. Moscow ayaa xoojineysaa saameynta ay ku leedahay gobolka Saharaha ee galbeedka Afrika.

Khubaro militeri oo yimid caasimadda Nigeria Niamey Arbacadii ayaa lagu arkay iyagoo qalab kala dagaya diyaarad xamuul ah.

“Waxaan halkan u joognaa in aan tababbarno ciidamada Niger si aan u sameyno xiriir militeri oo u dhexeeya labada dal”, mid ka mid ah tababbarayaasha ayaa sidaa u sheegay telefishinka dowladda Niger ee RTN.

Tababbarayaasha militeriga ayaa sidoo kale keenaya dalka qalabka difaaca hawada sida ay u sheegeen warbaahinta.

Imaatinkooda ayaa ka dambeeyay heshiis dhexmaray Niger iyo Ruushka oo kor loogu qaadayo xiriirka ammaanka.

Wadanka galbeedka Afrika ku yaal waxa uu aaday dhanka Ruushka ilaa iyo markii ciidamada afgembi ku qabsadeen xukunka sanadkii hore.

Waxay jareen xiriirkii militeri iyo kii siyaasadeed ee ay mudada dheer la lahaayeen Faransiiska sida dalalka dariska la ah ee Mali iyo Burkina Faso. Ruushka waxay ka doonteen taageero si ay uga adkaadaan kooxaha jihaad doonka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker