Macquul ma tahay in dayaxa dushiisa dhir lagu beero?

Hay’adda Mareykanka u qaabishan Maamulka Hawada Sare ee magaceeda loo soo gaabiyo NASA ayaa wadda qorshe sannadka 2026 ay ku sahmineyso gurada dayaxa, si loo ogaado waxyaabo badan ooh adda naga dahsoon.

Waxyaabaha saynisyahannadu doonayaan in ay fahmaan waxaa ka mid ah qaab-dhismeedka dayaxa, heerarkii uu soo maray iyo suurtogalnimada in lagu noolaan karo dayaxa dushiisa.

NASA ayaa hadda shaaca ka qaadday 3 arrimood oo ay cirbixiyeennadu diiradda saarayaan inta lagu guda jiro safarkooda soo socda ee ay dayaxa ku sahminayaan.

Waxaa qorshaha ku jira in ay baaraan dhaqdhaqaaqa dayaxa ama in ay jiraan wax dhulgariirro ah oo gilgiley, iyo in dayaxa dushiisa laga heli karo biyo ama baraf saamixi kara in dhir ka baxdo dusha saree ee dayaxa.

Ujeeddada laga leeyahay hawlgalka Artemis waa in xog buuxda laga helo dayaxa oo la doonayo in 50 sano ka dib aadanahu mar labaad cagta saaraan sannadka 2026. Haddii sahankani guuleystana, saynisyahannadu waxay ku talo jiraan in sannadaha soo socda deegaan rasmi ah laga yagleelo dayaxa dushiisa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker