Madaxweynaha Somaliland oo u mahadceliyay xildhibaan Gavin Williamson

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa u mahadceliyay xildhibaan Gavin Williamson, oo ah xildhibaanka soo jeediyay in Baarlamaanka Ingiriisku ka doodo aqoonsiga Somaliland, isla markaana daadihinaya dooda.
Madaxweynaha ayaa qoraal uu soo dhigay bogiisa Twitterka, ugu mahadceliyay xildhibaan Williamson isagoo u rajeeyay in dowlada Ingiriisku dhagaysan doonto soo jeedintiisa.

“Gavin Williamson waad ku mahadsantahay daadihinta iyo in aad ku baaqday dood ku saabsan aqoonsiga Somaliland, waxan rajaynayaa in dowladaadu ku dhagaysato adiga iyo xildhibaannada kale” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Xildhibaan Williamson, ayaa daadihinaya dood lagaga doodi doono aqoonsiga Somaliland oo uu isagu keenay baarlamaanka Ingiriiska, taasi oo maanta ka dhici doonta aqalka baarlamaanka ee Westminister.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker