Joe Biden oo danaano u muujiyey Isra’il

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa taageero u muujiyey Isra’il, xilli ay wajaheyso cabsi kaga imaaneysa Irsn oo laga yaabo in ay weertar aargudasho ah geysato.

Biden ayaa sheegay in Iran qorshreyneyso weerar ballaaran oo Isra’il ka dhan ah, kaas oo ay uga dabaaqeyso duqeyn 10 casho ka hor loo geystey qunsuliyadda Iran ku leedahay magaalada Dimishiq oo ay kudhinteen saraakiil sar sare oo ka tiran Ilaalada Kacaaanka Iran.

Madaxweyne Biden oo Iran ku dhego-hadlaya ayaa ballanqaaday in Mareykanku uu sameynayo wax kasta oo ku ilaalin karo amniga Isra’il, wuxuuna dhanka kale uga digey Iran tillaabo kasta oo halis gelin karta ammaanka Isra’il.

Hadalka Madxweynaha Mareykanka ayaa u muuqda mid jawaab u ah hanjabaad uu dhaswaan Isra’il u jeediyey Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Iran, Ayatollah Cali Khamen oo ku gooddiyey in Isra’il ay eedi doonto falka ay ku weerareenm qunsuliyaddooda Suuriya

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker