Maxaad ka Xasuusataa Odhaahyadii ugu Caansanaa ee laga diiwaan galiyay kaligii Taliye Maxamed Siyaad Barre
Oraahyada laga diiwaan galiyay madaxweynihii hore Soomaaliya Maxamed Siyaad Bare waa kuwo ilaa Imika la hadal hayo ee muranka badan dhaliyey halka qaarkoodna ay ahaayeen kuwo arimo xasaasi ah oo La taaban karo ku Salaysnaa.
Siyaad Barre wuxuu Soomaaliya ka talinaayay intii u dhaxeeyay 1969 ilaa 1991 kadibna xukunka waa laga tuuray waxaana xukuumadiisa lagu eedeeyay inay ahayd middii ugu xumayd ee ku xad gudubtay xuquuqul insaanka qaarada Afrika.
Marka horena Dalka Waxaa uu ku Qabsaday afgambi aan dhiig ku daadanin laakiin isaga xukunka waxaa looga tuuray dagaalo dhiig badan ku daateen wuxuuna Soomaaliya hogaankeeda ka tagay xili dalka qarka saarnaa macluul dagaal sokeeyana dhexda ka galay waxaana intaas kaga daran in dalka dowlad rasmi ah helin ilaa laga soo gaaro 2012.
Oraahyadii mudane Barre Laga Diiwaan galiyay:
Mar Siyaad Barre wax laga weydiiyay Aragtidiisa ku aadan sida middowgii Soviet ula dhaqmay Soomaaliya wuxuu yidhi“Waa habkii ugu xumaa ee dal Awood badan u dhaqmo, waa doqonimo, waa isla weynin, waa arin cabireysay sida wadan Awood badan Awoodiisa banaanka usoo dhigaayay nasiib daro ma jirto odhaah Xigmadeysan oo aan ku qayaxi karo sidii Soviet-ka noola dhaqmeen” Waa odhaah uu ku cabiraayay dagaalkii 1977 iyo Soviet-kii marka ay garab siiyeen Itoobiya.
Siyaad Barre mar uu ka hadlaayay danta Qaranka laakiin su’aasha waxay ahayd yaa qayaxo danta qaranka marka dalka kaligii taliye Hogaamiyo wuxuuna yidhi “Waan taageeraa aragti siyaasad kasto taasi oo danaheyga mataleyso haddii ay ahaan laheyd SSC/Khaatumo/Darwiishland/Centre North State ama urur walbo oo danaheena ka shaqeenayo.
Siyaad Barre mar uu ka hadlaayay isbadalka dhaqaalaha Soomaaliya lagu sameeyay waa bilawgii sanadihii xukumadiisa hogaanka ku cusbeyd wuxuuna yiri “Kacdoonkeena dhaqaale aan bilaawnay waxaan aaminsanahay inaan bur burinay dhaqaalihii macmiilkeena uu ku xirnaa kaliya waxa dalka lasoo galiyo waxaana noqonay kuwo xor u ah inay go’aan ka gaaraan aayahooda. Sidaa darteed anagoo ka garwaaqsanay dannaha shacabkeena Soomaaliyeed, hormarkeena wuxuu ku jiraa inaan ku dhawaaqno in Soomaaliya tahay dal hanta wadaag ah.”
Halkaan hoose ka daawo iyadoo dhameystiran