Muslimiin lagu laayey Itoobiya

Shan ruux oo afar ka mid ah ay isku qoys yihiin ayaa la diley xilli ay salaad ka soo laabteen gobolka Amxaarada, sida laga soo xigtey Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka Itoobiya.

Falkan lagu laayey dad Muslimiinta ah oo ka dhacay magaallada Baxardar ee xarunta gobolka ee Amxaarada Itoobiya ayaa sida la sheegay waxaa geystey rag dabley ah oo aan la aqoonsan.

Ali Getahun oo ka tirsan Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka Itoobiya ayaa BBC-da u sheegay in dhibanayaasha lagu hayey hanjabaad lacago baad ah looga doonayey, ka hor geeridooda.

Getahun ayaa intaas ku daray in weerarrada lala beegsanayo dadka Muslimiinta ah ay sii kordheen bilihii ugu dambeeyeym, ku waas oo badankood la xiriira baad iyo burcadnimo.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka Itoobiya faraciisa Amxaarada, Muslimiinta siddeeddii bilood ee la soo dhaafay lagu diley gobolkaas ayaa kor u dhaafaya 80 qof, taas oo loogu soo gambanayo dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda iyo jabhadda Fano.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker