Go’aamo laga Soo Saaray Laydhka Suuqa Waaheen

Go’aamo ka soo Baxay Shir muhiim ah ay isugu yimaaddeen Xukuumadda, Maayorka Caasimadda,Shirkadaha bixiya adeega Laydhka iyo Ganacsatada Suuqa Waaheen.
Waxaa saaka ka qabsoomay Wasaaradda Arrimaha Gudaha shir Ballaadhan uu shir Gudoomiyey Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheikh Maxamed Xaaji Aadan, waxaana ka soo qaybgalay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Cabdillaahi Xuseen Maxamed, Guddida heer Qaran ee Suuqa Waaheen, Komishanka Tamarta, shirkadaha bixiya adeega Laydhka iyo Ganacsatada Suuqa Waaheen.
Shirkan ayaa lagaga jawaabayey khatarta dabka ka dhalan karta qaybo ka mid ah Suuqa Waaheen, taasoo ay cabasho ka soo gudbiyeen Guddida Ganacsatada Suuqa Waaheen.
Markii la qiimeeyey khatarta dabka ama laydhka ee ku gedaaman qaybo ka mid ah Suuqa Waaheen oo aan weli la banaynin ayaa waxaa la go’aamiyey qodobadan, si looga feejignaado dabka.
1- Waxaa la sameeyey Guddi heegan ah oo ay ka mid yihiin Dowladda Hoose, Komishanka Tamarta, Dab-damiska iyo shirkadaha laydhka, kuwaasoo heegan ahaan doona maalmaha Ciida iyo Shuwaalka, si looga hortago khatar kasta uu sababi karo dabku ama laydh, sida suuqyada waaweyn ee Caasimada oo waqtigan aad u cidhiidhi ah.
2- Waxaa kale oo la go’aamiyey in ay shir isugu yimaadaan Maalinta Axada Guddida heer Qaran ee Suuqa Waaheen, Komishanka Tamarta iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, taasoo lagu go’aaminayo banaynta jidadka soo gala Suuqa Waaheen ee xidhan, nidaamka loo samaynayo laydh iyo banaynta meelaha kale ee muhiimka ah ee Caasimadda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker