RW hore ee Suudaan iyo Siyaasiyiin kale oo la Amray in la soo xiro

Xafiiska Dacwad-Oogaha Guud ee dalkaasi Suudaan ayaa waxa uu shalay oo Arbaco ahayd soo saaray Amar lagu soo xirayo  Ra’isul-wasaare hore Cabdalla Xamduuk Al-Kinani iyo Tobaneeyo qof oo ka tirsan Isbahaysiga Takhadum ee Xoogaga Dimuqraadiyada Rayidka ee uu RW Xamduuk hoggaamiyo.

Bayaan xalay laga baahiyey Telefishinka Qaranka ee Sudan ayaa lagu shaaciyey in Cabdalla Xamduuk iyo 17 kale oo ay ku jiraan Siyaasiyiin iyo Suxufiyiin dibedda ku nool, kuwaasi oo lagu eedeynayo Carqaladeynta Dastuurka Sudan (Violating the Constitution) iyo Hurinta Dagaal ka dhan ah Dowladda Sudan (inciting war against the state).

Eedeymaha lagu soo oogay waxay ku muteysan karaan ilaa Xukun Dil ah,  sida uu baahiyey Telefishinka Qaranka Sudan.

RW hore ee dalkaasi,  Cabdalla Xamduuk oo 68 jir ah waxa uu soo noqday Ra’isul-wasaarihii 15-aad ee Sudan muddadii u dhexeysay sanadkii 2019-kii ilaa October ee sanadkii 2021-kii.

Waxaana mar kale Xilkaasi loo soo doortay bishii November ee sanadkii 2022-kii ilaa bishii January 2-dii ee sanadkii 2022-kii, waxa iska casilay xilkaasi isla bishii January ee 2022-kii, wuxuuna u baxsaday Caasimada dalka Imaaraadka Carabta ee Abu Dhabi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker