Lammane xadhig ku muteystay 159 bisadood oo ay guri ciriiri ah ku hayeen

Lammaane u dhsahay dalka Faransiiska ayaa lagu xukumay 1 sano xarig ah, silamarkaana waxaa laga mamnuucay in ay dib dambe xayawaan u rabaystaan, ka dib markii lagu helay in ay bisado silciyeen.

Lammaanehan oo ku nool magaalada Nice ayaa guri ciriiri ah ku hayey 159 mukulaalood iyo 8 ey, taas oo sababtay in xayawaannada rabbaayada ah ay soo daruufo cakiran, islamarkaana ay ehel u noqdeen cudurro iyo gaajo.

Lammaanahan oo ka kooban nin 52 jir ah iyo haweeney 68 jir ah ayaa maxkamad la soo taagey iyagoo loo haysto in ay darxumo u dileen xayawaan bahaahin ah oo ay siliciyeen.

Labadan ruux ayaa waxaa arrintooda la ogaadey ka dib markii boolisku ku soo baxay muran ku dhex maray guriga, dabeedna waxaa la arkay bisadaha daranyeysan, taas oo keentay in lala xiriiro qolyaha u dooda xaquuqda xayawaanka.

Lammaanahan ayaa ku andacooday in xawaanka ay ka soo aruuriyeen jidadka islamarkaana ay doonayeen in ay siiyaan nololka habboon middii ay ku noolaayeen, balse daruuftu u saamixi weydey. Laakiin dacwad oogayaasha ayaa maxkamadda ku qanciyey in aan cabashadooda dheg loo dhigin. Ugu dambeyntiina waxaa la saaray ganaax lacageed oo dhan €150,000, sidoo kalena waxaa laga mamnuucay in ay dib dambe u u haystaan xawaan rabaayad ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker