Waxaa xalay lajabsaday baraha ay Twitter ku leeyihiin shaqsiyaad iyo shirkado caan ah.
Shaqsiyaadka illaa iyo haatan la”ogaaday in barahooda lajabsaday ama labartil maamaydsaday waxaa kamid Madaxwaynihii hore ee Mareykanka Brack Obama, madaxwayne ku xigeenkiisii hore haddana ah musharaxa doorasho Joe Biden.
Jeff Bezos ninka dunida ugu taajirsan, iyo ninka ku xiga ee Bill Gates.
Shirkadaha laga jabsaday rugahoodii waxaa kamid ah Apple, Uper iyo mid kamid ah akoonada shirkadda Twitter qudheeda.
Dadka jabsaday ayaa barahaasi ku qoray in qofkii 30 daqiiqo gudihiis usoo diro $1,000 ay heli doonaan $2,000.
Milkiilaha shirkadda Twitter ayaa sheegay in aysan wali ku guuleesan soo celinta akoonadan balse ay wadaan baaritaan ku aadan wixii dhacay.
Back to top button