Maxkamad ku taal Kenya ayaa fasaxday sameynta, isticmaalka iyo iibka shiishadda.

Maxkamadda ayaa go’aamisay in mamnuucidda shiishada ee dalka ay tahay mid aan sharci aheyn, waxaana la sii daayay 48 qof oo loo xiray in ay iibinayeen ama cabayeen shiishadda bishii Janaayo.

Garsoore sare, Joe Mkutu ayaa khamiistii go’aamiyay in aysan jirin sharci dalka ka mamnuucaya isticmaalka, sameynta iyo iibka shiishadda.

Go’aanka maxkamadda waxaa lagu xusay in wasaaradda caafimaadka aysan raacin amarkii maxkamadda sare ee 2018-kii.

Amarka waxa uu ahaa in wasaaradda caafimaadka ay qeynuunada cabista shiishadda si rasmi ah ugu dirto baarlamaanka si loo ansixiyo balse taasi lama sameyn.

Tani waxay ka dhigan tahay kiis kasta oo dambi ah ama eedeymaha ku saleysan xeerar aan rasmi ah aan loo adeegsan karin in lagu dacweeyo dadka caba, kuwa sameeya ama kuwa ka ganacsada shiishadda

Garsoorka waxa uu sheegay in faahfaahinta eedaha loo haystay 48 qof in aysan waafaqsaneyn xeerka 134 ee habka ciqaabta. Qeybtan waxay u baahan tahay in eedeynta si cad u sharaxdo dambiga ama dambiyada dadka lagu eedeynayo iyo sidoo kale in ay bixiso faahfaahin ku filan si loo fahmo waxa eedu tahay.

Go’aanka maxkamadda ayaa noqonaya mid farxad geliya dad badan oo shiishadda ka shaqeysta ama isticmaala.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker