Ingiriiska ayaa markii ugu horeysay u ogolaaday ciidamadiisa in ay gadhka deystaan.

Ciidamada iyo saraakiishooda ayaa hadda loo ogolaaday in garka ay deysan karaan inta ay ciidamada Britain ka mid yihiin.

Garka iyo shaarbaha waa in si fiican loo jaraa lana hubiyaa.

Siyaasaddan ayaa dhaqso loo hirgelinayaa iyadoo markii ugu horeysay ciidamada ay lahaan karaan gar timahiisa la habeeyay.

Wareegtada cusub ayaa soo baxday sanado laga doodayay timaha wajiga ciidamada.

Isbeddelka wuxuu soo baxay kaddib markii dib u eegis bilo lagu sameynayay muuqaalka askari sida uu BBC-da u sheegay afhayeen u hadlay ciidamada.

Hoggaanka ciidanka ayaa eegay natiijada ka hor inta aysan gaarin ga’aanka lagu badalay siyaasadda.

“Waxaan dhageysanay dadkeena kaddibna tallaabo ayaan qaadnay” ayuu yiri afhayeenka.

Askarta aaminsan diimaha Islaamka, Siikha iyo kuwa kale hora ayaa loogu ogolaaday in ay deystaan garka hadii aysan taasi khatar ku aheyn waxqabadkooda, caafimaadkooda iyo badqabkooda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker