Khasaare ka dhashay hoobiyaal ku dhacay saaka xaafado ka tirsan Muqdisho

Qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa saaka waaberigii hore waxaa ku dhacay hoobiyaal sida ay baahiyeen qaar ka tirsan warbaahinta gudaha.

Degmada Boondheere ayaa ka mid ah meelaha la soo wariyay in hoobiye ku dhacay, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho.

Ilaa iyo hadda inta la ogyahay hal qof oo dumar ah ayaa la sheegay in ay ku geeriyootay guri uu ka dhacay mid ka mid ah hoobiyaasha.

Ma jirto cid bixisay ilaa iyo hadda faahfaahin intaa dheer oo ku saabsan waxyeellada dhabta ee falkaan ka dhashay iyo cidda ka dambeysaba.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker