NISA oo sheegtay in gacanta lagu hayo nin kii suurtagaliyay in magaalada la soo galiyo gawaaridii lagu fuliyay weerar kii Hotel-ka SYL

War Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 16 eedeysane loo hayo weerar kii Al-Shabaab ay ku qaadeen hudheelka SYL 14-kii bishan Maarso.

Wasaaradda ayaa sheegtay in Hay’adda Sirdoonku ay gacanta ku dhigtay nin la yiraahdo Cabdinaasir Daahir Nuur oo la rumeysan yahay in uu ahaa shakhsigii suurtagaliyay, in magaalada la soo galiyo gawaaridii loo adeegsaday weerarka hudheelka SYL.

Dadka la qabtay waxa kale oo ku jira, afar eedeysane oo ku diiwaan gashan milkiyadda gawaarida weerarka loo adeegsaday.

War Saxaafadeedka waxa kale oo lagu sheegay, in baaris ku socoto shan xubnood oo ka tirsan ciidamada ammaanka, oo ka shaqeynayay barraha hubin ee ay ka gudbeen kooxdii weerarka qaaday.

Dhawaan waxa la soo bandhigi doonaa caddeymo dheerada oo ku saabasan kooxdii fulisay weerarkii SYL, sida laga soo xigtay Hay’adda NISA

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker