Imaaraat-ka Oo Diyaaradaha drones-ka U adeegsanaya Inay Roobka ka Dhaliyaan maayad danab ah

Dalka Imaaraat-ka ayaa tijaabinaya diyaaradaha loo yaqaan Drones-ka ee aan duuliyaha lahayn nooc ka mid ah oo daruuraha marka ay u baxaan ku sii daaya maayad danab ah oo dhalisa roob.

Dalkaas ayaa haatan ba hore u adeegsanayey tiknoolajiyada daruuraha bacrimiya oo waxa daruuraha dusha lagaga daadiyaa cusbo si loo cariyo in ay darooraan.

Hase yeeshee maadaama oo celcelis ahaan roobka Imaaraadka sannadkii ka da’aa uu yahay 100mm, ayaa dalku waxa uu doonayaa in uu helo xaddi intaa ka badan.

Sannadkii 2017 ayaa dawladdu ku bixisay sagaal mashruuc oo kala duwan oo kuwa daruuraha lagu bacrimiyo ah 15 milyan oo doolar.

Saynisyahanno ka socda Jaamacadda Reading ee dalka Ingiriiska ayaana mid ka mid ah mashruucyadaa hormuud ka ah oo wada.

Mashuurcaas ayaa ujeedadiisu tahay in wax lagaga bedelo isku dheeli tirnaanta maayada danabka ah ee daruuraa sida uu sheegay borofesoor Maarten Ambuam, oo mashruucaas ka shaqeeyey.

“Biyaha dhulka hoostiisa ku jira ee dalka Imaaraadu aad bay u yaraanayaan, markaa ujeedada mashruucani waxa weeyi in la isku dayo in roobka di’idiisa la carin karo” ayuu yidhi isaga oo BBC-da la hadlayey.

Sidoo kale “dalku ma laha daruuro badan” markaa qorshuhu waxa weeyi in qoyaanka hawada ku jira la isku ururin karo si uu daruuro u noqdo oo la isku dhejiyo ” waa sida timo qoyan oo la feedhayo” marka maayada negi ee timaha la cariyo, ayuu yidhi.

“Marka qoyaankaas badani isku ururo ayuu dhibco waaweyn oo biyo soo daadan kara ah noqdaa”.

Agaasimaha xarunta cilmi-baadhista carinta roobka ee Imaaraat-ka, Calyaa Al-Masruuci, oo la hadashay wargeyska Arabnews ayaa tidhi “qalab danab maayad ah sii daynaya ayaa lagu rakibayaa diyaaradahaa aan duuliyaha lahayn oo joog hoose ku duulaya, waxaanay arintaasi carinaysaa in daruuruhu biyo sii daayaan”.

Daraasadan ayaa wax tarkeeda la qiimayn doonaa, iyadoo rajona laga qabo in lacag badan oo dheeraad ah lagu bixiyo si diyaarado kuwan haatan ka waayen mustaqbalka loo adeegsan karo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker