Maraykanka oo u ololeynaya xabbad joojin degdeg ah oo Qasa ka dhacda

Maraykanka ayaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka codsan doona jimcaha in uu taageero qaraar ku baaqaya xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Qasa iyo heshiiska la haystayaasha ee Israa’iil iyo Xamaas, taas oo kordhinaysa cadaadiska ay ku hayso xulafada Israa’iil si ay u oggolaato gargaar bini’aadantinimo oo dheeraad ah iyo ilaalinta dadka rayidka ah.

Nate Evans, oo ah afhayeenka howlgalka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, ayaa Khamiistii sheegay in qaraarku uu ka dhashay “wareegyo badan oo wadatashi ah” oo lala yeeshay xubnaha 15-ka kursi ee Golaha Ammaanka.

Qaraarkan ayaa muujinaya sii adkeynta mowqifka Washington ee ku aaddan Israa’iil. Horaantii dagaalka shanta bilood qaatay,Maraykanku waxa uu ka cagajiiday kelmadda xabbad-joojinta,waxana uu qaadacay tillaabooyinka ay ku jiraan baaqyada xabbad-joojinta degdegga ah.

Sida ay qorayso wakaaladda wararka ee Reuters oo aragtay qaraarka, waxa uu sheegayaa “xabad joojin degdeg ah oo joogto ah” oo soconaysa ku dhawaad lix toddobaad ay ilaalinayso dadka rayidka ah ayna oggolaanayso in la gaarsiiyo gargaarka bani’aadamnimo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker