Madaxda Nigeria oo sedex bilood laga joojinayo safarada dibadda

Madaxweynaha Nigeria Bola Tinubu ayaa soo saari doona amar mamnuucid saddex bilood ah oo wasiirrada iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda laga mamnuucayo in ay tagaan safarro dibadda ah oo ay dowladdu bixiso.

Madaxa shaqaalaha Mr Tinubu ayaa sheegay in tallaabadan ay ka dambeysay kadib markii madaxweynahu uu “walaac ka muujiyay sara u kaca qarashka ku baxaya safarka” ee saraakiisha dowladda.

Mamnuuciddu waxay dhaqan geli doontaa 1da Abriil. Madaxweyne Tinubu iyo maamulkiisa ayaa dadka qaar ay ku dhaliilaan safaro badan oo ay dalka dibadiisa ku tagaan.

Tan iyo markii la caleema saaray bishii May, Mr Tinubu wuxuu sameyay in ka badan 15 safar oo dibadda ah.

Madaxweynaha Nigeria ayaa la sheegay in ugu yaraan 3.4bn naira ($2.2m) uu ku bixiyay safarrada gudaha iyo dibadda lixdii bilood ee ugu horreysay ee uu madaxweynaha ahaa – taas oo ka badan 36% miisaaniyada sanadka 2023, sida uu qoray wargeyska Punch ee Nigeria ka soo baxay bishii Janaayo,

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker