Dadka Danyarta Ah Ee Ku Nool Degmada Oodweyne Oo Deeq Caawimo Ah La Gaadhsiiyay

Hay’adda Haandhikaab oo kaashanaysay hayada u diyaargarawga masiibooyinka iyo keydka raashinka qaranka ayaa qaar ka mida naafada deegaanka Oodweyne u qaybisay qalabka ay adeegsadaan dadka laxaadka naafada ka ihi, halka ay baadhitaano u sameeyeen dad ka xanuunsanaya dhimirka.

Waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay Saxardid Maxamed Cismaan oo ka tirsan saraakiisha hayada handhikaab kaasoo sheegay in qalabka ay qeybinayaan ay ugu talo galeen in lagu caawiyo shan iyo labaatan qof ooh ore ay u diwaan galiyeen islamarkaana ay hada u keeneen qalabkii ay u baahnaayeen, waxaanu intaas ku daray in 18 qof oo qaba xanuunada dhimirka ay baadhitaano u sameeyeen islamarkaa ay ka caawiyeen dawooyinkii ay u baahnaayeen.

Isu duwaha hayada u diyaar garawga masiibooyinka iyo keydka raashinka qaranka Saleebaan Maxamed Cabdilaahi oo ka hadlay halkaasi ayaa sheegay in qalabkani uu wax weyn ka tari doona baahida dadka naafada ah.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Daadmadheedh Maxamuud Cali Axmed iyo maayirka magaalada Oodweyne Ibrahim Qasaal oo iyana halkaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay hayada handhikaab oo ku amaanay halka ay ka bilaabeen caawimada bulshada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker