Maraykanka oo sheegay in badbaadada Ukraine ay khatar ku jirto

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa Talaadadii ka digay in badbaadada Ukraine ay halis ku jirto, wuxuuna doonayay inuu ka dhaadhiciyo xulafada in Mareykanka ay ka go’an tahay taageerada Kyiv, xitaa iyadoo Washington ay si dhab ah uga dhamaatay lacag ay ku sii hubeyso ciidamada Ukraine.

Afhayeenka Aqalka Wakiilada ee Jamhuuriga Mike Johnson ayaa diiday in loo codeeyo hindise sharciyeedka 60 bilyan oo dollar oo dheeraad ah loogu talagalay Ukraine, waxaana Aqalka Cad uu u xusul duubayaa sidii uu u heli lahaa habab uu gargaar ugu diro Kyiv, oo dagaal kula jirta ciidamada Ruushka in ka badan laba sano. .

Austin ayaa hogaaminaya kulanka billaha ah ee loo yaqaan kooxda xiriirka difaaca ee Ukraine (UDCG), oo lagu qabtay saldhigga ciidamada cirka Jarmalka ee Ramstein, oo ay ku jiraan ilaa 50 xulafo ah oo taageeray Ukraine.

“Maanta, badbaadada Ukraine waxay ku jirtaa khatar, ammaanka Ameerikana wuxuu ku jiraa khatar,” Austin ayaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay kulanka ka dib.

“Waxaan maanta halkan uga tagayaa si buuxda aniga oo go’aansaday in aan sii wado taageerada amniga ee Maraykanka iyo rasaasta. Taasina waa arrin ku saabsan badbaadada iyo madaxbannaanida Ukraine, waana arrin sharaf iyo ammaan u ah Maraykanka,” ayuu raaciyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker