Madaxda ka aamustay iyo kuwa u hambalyay madaxweyne Putin oo dhawaan doorashada Ruushka ku guuleystay

Reer Galbeedka ayaa diiday natiijada doorashadii Ruushka. Josep Borrell, oo ah madaxa arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, ayaa sheegay isagoo ku hadlayay magaca ururka in doorashadii Ruushka lagu qabtay hab cadaadis ahaa.

Dhowr waddan oo ka tirsan Midowga Yurub oo ay ku jiraan Faransiiska iyo Jarmalka ayaa si toos ah u sheegay inaysan u hambalyeyn doonin Madaxweyne Putin.

Si kastaba ha ahaatee, Beijing waxay u hambalyeysay Putin goor hore.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay in natiijada doorashada ay si buuxda u muujineyso taageerada shacabka Ruushka u hayaan Putin. Madaxweynayaasha Iran iyo Belarus ayaa ku tilmaamay guusha Putin mid la taaban karo oo cajiib ah

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker