Dad ku dhintay markab gebi ahaanba qallibmay

Todobo badmaaxiin ah ayaa dhintay kadib markii markab laga leeyahay dalka Kuuriyada Koonfureed uu ku rogmaday xeebaha galbeed ee dalka Japan.

Badbaadiyeyaasha ayaa helay labo kale oo shaqaale ah – mid ka mid ah waa miyir qab, halka midka kalena aan la ogeyn xaaladdiisa, sida ay BBC-da u sheegeen ilaalada xeebaha Japan.

Markabka Keoyoung Sun ayaa ku qalibmay ismaamulka Yamaguchi, xilligaas oo ah wax yar uun ka dib markii shaqaaluhu ay raadiyeen gargaar abbaare 07:00 Arbacada.

Waxaa weli socda baadigoobka labo badmaax oo kale oo la socday.

Markabka ayaa lagusoo warramayaa in ay dhanka kale u rogeen dabaylo xooggan. Wax tafaasiil ah oo ku saabsan shixnaddii saarnayd lama helin isla markiiba.

Markabka waxaa lagu sifeeyay in uu yahay booyad qaaddda saliidda iyo kiimikooyinka sida lagu sheegay mareegaha maraakiibta.

Hawlgalka samata bixinta ayaa ka socday meel u dhow magaalada Shimonoseki ee ku taal Koonfur-galbeed ee dalkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker