Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo ku baaqay in dastuurka Somaliya lagu cadeeyo mad-habka Shaaficiga

Kulan ay soo qaban qaabiyeen qaar ka mid ah culimaa’udiinka Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo kulan ku yeeshayy magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in dastuurka Somaliya lagu caddeeyo mad-habka Shaaficiga.

Kulankaasi oo ay ka qeybgaleen culumaa’uudiinka kala ah Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Sheekh Cabdulqaadir Soomow iyo mashaa’iq kale ayaa waxa ay dhanka kale sheegeen in ay taageersanyihiin dowladda ayna diyaar u yihiin sidii Alshabaab loola diriri lahaa dhinac kasta.

Sheekh Cabdulqaadir Soomow oo ka mid ah culimadii kulanka ka hadlashay ayaa sheegay in culimaa’udiinka Ahlu Sunna Wal Jamaaca meel kasta oo ay joogan ay naftooda iyo maalkooda u hurayaan difaaca Diinta iyo Dalka, ayna Dowladda gacan ku siinayaan sidii dalka looga ciribtiri lahaa Al-Shabaab.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker