Soomaaliya Oo Digniin Adag Udirtay Dalalka Kenya Iyo Jabuuti Iyo Sababta?

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa diginin u jeedisay dalalka Jabuuti iyo Kenya oo ay ku eedeysay inay isku dayayaan “inay farageliyaan” go’aamada ka soo baxaya Midowga Afrika ee quseey Soomaaliya.

Golaha Ammaanka iyo Nabad-galyada Midowga Afrika ayaa maanta kulan ka yeelanayey xaaladda Soomaaliya, kadib markii madaxweyne Farmaajo uu ururka ka codsaday inuu dhex-dhexaadiyo dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo ka hadlay taleefishinka dowladda ayaa yidhi “Dowladda federaalka waxay ka digaysaa xogo hordhac ah oo xaqiijinaya in dowladaha Kenya iyo Jabuuti ay ka dhex wadaan olole diblomaasiyadeed xubnaha Guddiga Amniga iyo Nabad-galyada Midowga Afrika, kaasi oo ay kaga dhaadhicinayaan soo jeedin qoddobo ay rabaan in lagu daro qoraalka la doonayo in uu soo saaro guddiga.”

Wasiirka ma shaacin waxay ay yihiin qodobadaas, hase yeeshee wuxuu sheegay inaan waxba laga beddeli doonin go’aankii golaha shacabka Soomaaliya ee muddo kordhinta loogu sameeyey hay’adaha dowladda.

“Urrurada aan xubinta ka nahay, Diblomaasiyiinta Shiyeeshe iyo Saaxiibada kale ee diblomaasiyadda Soomaaliya kala dhexeyso, waxaan si cad ugu sheegeynaa in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu yahay hay’adda ugu sarreyso ee sharci dejinta dalka, xeerarka ka soo baxana ay yihin go’aanka ugu dambeeya ee Qeenuuniga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xukuumaddana ay tahay hay’adda fulisa xeerarkaas Dastuuriga ah” ayuu yidhi Wasiir Dubbe.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker