Tababare Ryan Giggs Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Miyir Doorsoonkii Ku Dhacay Daniel James Iyo Sababta Uu U Sii Ciyaarsiiyay

Ryan Giggs ayaa sheegay in Daniel James sameeyay kiis iska waal  inkastoo kaamirada ay qabatay xiddiga garabka ka ciyaara oo miirdaboolmay kulankii Croatia ee xalay oo Axad aheyd.

Xiddiga garabka ka ciyaara ee Wales iyo Manchester United ayaa si xun dhulka ugu dhacay ka dib markii ay isku dhaceen labo xiddig, waxaana uu miirdaboolnaan dhulka la jiifay dhowr daqiiqadood.

 

Shaqaalaha caafimaadka ayaa ku orday garoonka si ay u caawiyaan ka hor inta uusan James soo kicin isagoo sii watay inuu ciyaaro.

Waxaa qalad ah in ciyaaryahan la sii ciyaarsiiyo isagoo jug ay madaxa ka soo gaartay islamarkaana uu miirdaboolmay laakiin tababare Giggs ayaa difaacay go’aankii uu ciyaaryahanka garoonka ugu sii hayay.

Giggs ayaa yiri ka dib kulankii barbaraha 1-1 ku dhamaaday: “Daniel James dhulka ayuu ku dhacay, markii uu dhulka jiifay waxay ka aheyd jiliin.

“Laakiin shaqaalaha caafimaadka ayaa u tagay, baaris degdeg ah ayay ku sameeyeen, waxaan sidoo kale baarnay waqtigii nasashada, waa uu fiicnaa.”

Isagoo u hadlayay SKy Sports, Daniel James ayaa isna sharaxaad ku bixiyay inuusan miirdaboolmin markii ay isku dhaceen Domagoj Vida

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker