Warar Sheegaya In Sheekh Aadan Sunne La La’yahay

Muddo saddex maalmood ah ayaa la la’yahay Sheekh Aadan Sunne, meel uu jaan iyo cidhib dhigay isaga iyo qoyskiisiiba.
Sh. Aadan Sunne ayaa ka mid ahaa Culimada ugu caansan ee Hargeysa .
Maalintii shalay aheyd ayaa lagu war helay in isaga iyo qoyskiisa oo ka koobnaa 7 hablood, 2 laba Wiil, xaaskiisa iyo isaguba ay ka maqan yihiin Guri ay ka deganaayeen Koonfurta Hargeysa gaar ahaan xaafada Masalaha
Ehelada Wadaadka ayaa sheegay in aanay garayn meel ay ku maqan yihiin Sheekha iyo xubnaha kale ee qoyskiisu.
Laamaha amaanka Somaliland ayaa la sheegay in ehelada qoyska ku war galiyeen in sheekha iyo qoyskiisa aan la xidhin balse ay socdaan baadhitaanno ay ku ogaanayaan halka uu sheekhu ku maqan yahay .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker