Saraakiil Iyo Askar Ka Tirsan Booliska Soomaaliya oo Xabsiga La Dhigay Iyo Falalka Loo Haysto.

Muqdishpo-(OWN)-Taliye ku-xigeenka hay’adda danbi-baadhista dowladda Soomaaliya Bashiir Nuur Geedo oo maanta warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la xidhay ku dhawaad 28 ruux oo isugu jira saraakiil iyo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

‘’Waxaan rabaa in aan halkan ka cadeeyo waxaa jira xabsiga dhexe ee dalka 28 ruux oo isugu jiray saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed, kuwaas oo ku eedeysan in ay faraha kula jireen arrimo la xidhiidha ,musuqmaasuq’’ ayuu yidhi taliye ku-xigeenka hay’adda danbi-baadhista.

Taliye-ku-xigeenka ayaa intaa ku daray in fal danbiyeed lagu eedeynayo xubnaha xidhan uu dhibaato u keentay hab-sami u socodkii howlaha ciidamada iyo sugida nabad-galyada, isaga oo intaa raaciyay in wali baadhitaanno socdaan.

Waa tiradii ugu badneyd ee ka tirsan ciidamada dowladda oo waayadan dowladdu soo bandhigtay iyadoo lagu eedeynayo arrimo salka ku haya musuq-maasuq.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda u muuqata in ay u jiheysatay wax ay ugu yeedheen la dagaalanka musuqmaasuqa, laakiin ay jiraan dad badan oo su’aalo ka keenay ilaa xeer inta hay’addaha arrimahan ku shaqada leh u madax-bannaan yihiin in ay la dagaalamaan.

Hanti dhowrka guud ee Qaranka Maxamed Cali Afgooye ayaa dhawaan sheegay in baadhitaannada la xidhiidha musuq maasuq la wadi doono ilaa laga gaadho xafiisyada madaxweynaha yio ra’iisal wasaaraha dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker