Marka laba dal xidhiidhka kala goostaan, maxay kala goostaan,maxaa dhaca? — Danjire Abdi M.Saleiman (Mingiste)

Marka laba dal xidhiidhka kala goostaan,maxay kala goostaan,maxaa dhaca?

 

Qaar ka mid ah Saxaafada iyo shaqsiyaadba,waxay I soo waydiiyeen,suaasha cinwaanka qoraalkan oo ah,marka laba wadan xidhiidhka ka goostaan ,maxay dhaca amase maxay kala goostaan.

 

Si kooban haddii aan uga jawaabo,intii aqoontayda ah,waxyaabaha ay kala goostaan waxaa ugu muhiimsan amase  lagu soo koobi karaa qodobadan hoos ku qoran.

  1. Waxay kala qaataan Safaaradaha(haddii ay Safaarado leeyihiin).
  2. Xuduudaha ayey kala xidhaan(haddii xuduudi ka dhaxays labada dal).
  3. Waxaa dhici karta in ay Ciidamo u diraan xuduuda (haddii ay xuduud leeyihiin),waxaana dhici karta in isku dhac iyo dagaal ka dhex qarxo labada dal,ee xidhiidhka kala qoystay.
  4. Waxay joojiyaan,dhamaan amase inta badan wixii ganacsi ah ee ka dhexeeyey ,mid ay wada leeyihiin iyo u kala gudbi jirayba.
  5. Waxaa la  hakiya amase la joojiyaa isu socodka,Dhulka,Badda iyo Cirka.
  6. Waxaa la joojiyaa in Hawadaada—dhulkaaga iyo Baddaada cid kale  oo u socota wadanka aad xidhiidhka kala goosateen ay u maraan .
  7.  waxaa laga soo horjeestaa,oo laga ololeeyaa danaha wadanka aad xidhiidhka u jartay,ka leeyahay, dhamaan wadamada aad saaxiibka tihiin iyo Ururada aad ku wada jirtaan.
  8. Ugu dambayn waxaa laga dacweeyaa Maxkamada Aduunka iyo meeshii kale aad naf iyo miciin moodo.

 

Haddii ay jiraan qodobadaa aan kor ku soo sheegay,waxbaad yeeli kartaa wadankaa  aad xidhiidhka goosateen,haddii aanay jirin qodobadaasi — waa iska hadal Af laga yidhi,xidhiidhka aad u jartay wadan kale.

 

 

Allaa Mahad leh

Danjire: Abdi M.Saleiman(Mingiste)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker