Musharrax madaxweyne oo xalay shirqool lagu dilay

Murashax u taagnaa xilka madaxtinimada dalka Ecuador, caanna ku ahaa la dagaallanka musuq-maasuqa ayaa xalay lagu dilay igtiyaal, xilli uu kasii baxayay goob uu ka olololeynayay oo ku taalla waqooyiga magaalada caasimadda ah ee Quito.

Goob-joogayaal ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay, in nin hubeysan uu saddex xabbadood ku dhuftay Fernando Villavicencio oo ka tirsanaa Golaha Shacabka, ahaanaa musharrax madaxweyne oo matalayay xisbiga Build Ecuador Movement.

Madaxweyne Guillermo Lasso ayaa xaqiijiyay dilka Fernando isla markaana sheegay in uu u maleynayo in ay ka danbeeyaan danbiilayaal abaabulan. Wuxuu intaasi raaciyay in shir-qoolka lagu khaarijiyay Villavicencio loo ciqaabi doono dadki ka danbeeyay.

Dhanka kale, war kasoo baxay xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Ecuador ayaa lagu sheegay, in ninka looga shakisanyahay inuu dilay murashaxa madaxweyne uu ku dhintay rasaas ay is-weydaarteen isaga iyo ciidamada amniga oo doonayay in ay qabtaan.

Fernando Villavicencio ayaa ahaa mid ka mid ah siddeed murashax oo u taagan doorashada madaxtinimada dalka Ecuador oo ka mid ah dalalka ku yaalla Koofurta America, doorashadaas oo dhici doonta 20-ka bishan August ee sannadkaan 2023-ka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker